Xogta Caawa:RW Kheyre oo kuwajahan magaalada Hargeysa iyo warar sheegaya in Farmaajo…

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil katirsan xafiiska ra’isulwasaaraha dalka soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya in oo ku wajahanyahay magaalada hargeysa oo xarun u ah maamulka lamagac baxay somaliland.

Xasan Cali Kheyre ayaa lashegayaa in kulamo qadka talefonka ah layeeshay madaxweyne kuxigeenka mamaulkaas isla markaa isku afgarteyn in oo soo booqdo magaalada hargeysa.

Xogtaan ayaa lashegayaa in ra’isulwasaaraha halkaas kulamo kula qaadan doono madaxda ugu sareyso maamulkaas inkastoo lashegaayo in magaalada hargeysa ku noolyihiin waalidiintiisa iyo walaalahiisa.

Inta oo kusuganyahay Xasan Cali Kheyre hargeysa ayaa lagu wadaa in kulamo laqaato madaxweynaha maamulkaas Axmed Silaanyo iyo waliba masuuliyiin maamulkaas katirsan iyo waliba odayaal dhaqameedyada kasoo jeedo maamulkaas.

Si rasmi ah looma shaacin goorta oo ra’isulwasaaraha dalka soomaaliya safarka kutagi doono magaalada hargeysa inkastoo lashegaayo in oo ku wehlin doono wasiirka arimaha dibada soomaaliya oo xiriir wanaagsan la leh maamulka somaliland.

Isku soo wada duub arintaan ayaa imaaneyso xili ra’isulwasaare Kheyre kalsooni xoogan ku helay soodeynta maxaabiista soomaaliyeed oo mudo dheer ku xirnaa xabsiyada dalka Itoobiya oo dhawaan laga soo dajiyay magaalada muqdisho waxaana noqon doontaa talaabadii labaad oo masuul dalka xilka ka qabtay ku dhaqaaqo hadi oo boqdo magaalada hargeysa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. max says:

    ala beeb badana hadu tago hargeisa madaxisa dhulka ayu yaala , ilaahy ma geeyo

  2. Maxamad says:

    waar ALLAH ka baqda oo dadka beenta ka daaye, Xasan Cali khayre ma iman karo Jamhuuriyada Brakaysan ee Somalilandisaga oo sheeganaya in uu RW ka yahay wadan la yidhaa Somalia , waayo Somaliland weligeed kamay mid noqon wadan la yidhaa Somalia , Somaliland waxay ka mid ahayd wadan la odhan jiray Somali Republic, republica Somalia ,Jamhuuriyada Somal. , wadankaasina wuxuu burvuray 1991 kii . oo labada wadan ee 1960 is dhexyaacay mid waliba sidiisi ku noqday . Xasan cali khayre wuu iman kara Somaliland isaga oo aan xil hayn wuxuuna u joogii karaa sida ehelkiisa iyo qaxooti badan oo reer Somalia u joogaan.