XOG:MD Farmaajo oo muqdisho ugu yeeray Xuseen Ceydiid xil culus lagu wado in loo magacaabo…

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsonaan karo aan ka helnay xafiiska madaxweynaha dalka soomaaliya ayaa sheegaya in magaalada muqdisho loogu yeeray Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid oo mar soo noqday wasiir.

Xuseen Ceydiid oo haatan kusugan dalka dibadiisa aya lashegayaa in madaxweynaha u yeeray isla markaa lagu wado in loo magacaabo xil aan weli lashaacin inkastoo warar qaar sheegayaan in loo magacaabi doono taliyaha ciidamada nabad sugida qaranka.

Xuseen Ceydiid ayaa hore oga mid ahaa hogaamiye koxeedyadii dalka soo maray isla markaa ka arimin jiray qeybo katirsan muqdisho oo kujirto aqalka madaxtooyada dalka soomaaliya .

Sido kale Xuseen Ceydiid ayaa dowladii Cabdullahi Yusuf kasoo noqday ra’isulwasaare kuxigeen iyo wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka qaranka inkastoo marar badan xilalkaas loo magacaabay.

Isku soo wada duub Farmaajo ayaa wado qorshayaal oga adkanaayo kooxda shabaab islamarkaa dalka oga dhigi lahaa amaan buuxa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay