Xog muqaal:MD Farmaajo oo soo gaba gabeeyay qorshihii Habagidir hadana saxiixay waraaqda dilka askarigii Cabaas Siraaji

Warar hoose oo lagu kalsonaan karo aan ka helnay xafiiska madaxweynaha dalka soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo oo saxiixay in latoogto askarigii dilay wasiir Cabaas Siraaji.

Waraaqda ogolaasha dilkiisa ayaa usoo gudbisay maxkamada ciidamada sida sharciga ah madaxweynaha waxaana mudooyinkaan taalay xafiiska madaxweyne Farmaajo lagana sugaaye ogolaasho.

Saxiixa Farmaajo ayaa soo gaba gabeynaayo shirarkii iyo dibadbaxa ay wadeen beesha oo kadhashay ee habagidir madaama oo saxiixay madaxweynaha ka laabasho aan lahayn.

Tani ayaa imaaneyso xili shacabka siweyn oga dhursugayeen dilka askarigaan oo hore u dilay wasiir Cabaas Siraaji oo lagu dilay meel aan sidaa oga fogeyn xarunta madaxtooyada.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Ahmed says:

    way habboon tahay in dhowro sharciga. waa run ninkan qof ayuu si gardarro ah u dilay, waxaana lagu xakumay dil, si looga abaal mariyo dilkii uu geystay. dhanka kale, dilka ninkan waxaa iska leh dadkii ninka laga dilay, sidaas awgeed, haddii ay oggol yihiin ehelada dhiigga iska lihi iney DIYO qaataan ama ay cafiyaan waa leeyihiin. sidaasna waxaa qaba Diinteenna Islaamka. waxaa la gudbooneyd qoys Habargidir, halka ay ka dibad baxayaan iney kala heshiiyaan dhiggooda reerka dhiigga iska leh. mana ahaateen, wax dhib badan.ma aha. Allaah waxii uu qadaro ayaa fulaya insha Allaah.