XOG: 10 Wasiir oo Saacadaha Soo Socda Is Casili Doonta & Kulamo Ka Socda Deg.Jowhar

Ilo wareedyo la helayo waxey sheegayaan in Maalamahaan dambe ay jirtay Khilaaf ka dhashay Magacaabista Degmooyinka Cusub Ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa waxa uu mar kale la kulamyaa Mooshin ka dhan Ah Hab Maamulkiisa iyadoo Xildhibaanada Qaar ay ku kacsan yihiin.

Fashilka Siyaasadeed uu Cagta Saaray Cosoble ayaa waxa ugu horeysa inuu noqday Keligiis Taliye Sida la filayey Maamulka Hogaamintii la rabay u marin.

Waxa sidoo kale Xildhibaanada HirShabelle qaar ay sheegeen in Mashaariicla filayey in Maamulka lagu hormariyo uu jeebka gishaday hadana uu magacaabay Degmooyin Hor leh Magacaabay Hal Gobol keliyana uu ujan jeersaday.

Xildhibaano kulan ku yeeshay Jowhar ayaa waxay sheegeen in Kodlad la yiraahdo BADBAADO HIRSHABELLE ay ku dhawaaqeen ayna doonayaan in lagu bad baadiyo Maamulka Fadhiidka noqday.

Waxay Xildhibaanadaan sheegeen in ay Mooshinkaan kula xisaabtami doonaan Madaxweyne Cosoble,waxaana saacadaha soo socda la fialyaa inay is casilaan ilaa 10 Wasiir sida aan xogta ku helnay.

HirShabelle oo ay ku midoobeen Labada Gobol Ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa wax muuqda aan sameyn Sanad kudhawaad uu maamulkaan shaqeenayo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)