Xilkii Dr Nuur Jimcaale oo Maanta Murankiisa Xoog Lagu Dhameeyey (SAWIRRO)

Ugu dambeyn maanta oo axad ah ayaa waxaa lasoo geba gabeeyey Murankii ka dhashay is qab qabsigii ka dhashay Xilka Hanti dhowraha Qaranka Soomaaliya.

Warar lagu Kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xukuumada Soomaaliya ay xoog ku Meel marisey Magacaabista Hanti dhowraha Cusub Ee Qaranka.

Munaasabad maanta ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa Xilka La wareegay Hanti dhowraha Cusub Maxamuud Cali Afgooye,iyadoo Dr Nuur Jimcaale Faarax Meesha uu ka baxay.

Waxa Hanti dhowrihii Hore Xilka uu ku waayey markii askari ilaaladiisa katirsanaa uu dilay wasiirkii Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryeynta Cabaas Siraaji Golaha Wasiiradana Xilka ka qaadeen.

R/wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed Khadar ayaa xaadiray Munaasabada uu xilka kula wareegayey Hanti dhowraha Cusub Ee Soomaaliya Maxamuud Cali Afgooye.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay