Wasiir Isloow oo Tallaabo Aan Looga baran Wasiirada kale maanta ka sameeyey Muqdisho

Waxaa maanta Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Ducaale Isloow uu Sameeyey tallaabo ka duwan Wasiiradii uga horeeyey Xilkaasi.

Wasiir Isloow ayaa waxa uu maalamahaan ku mashquulsanaa sidii loo furi lahaa qaar ka mid ah Waddooyinka Xiran Ee Magaalada Caasimada Ah Ee Muqdisho.

Waxa maanta lagu guuleystay in dib loo furo Sanado kadib Wadada Shaqaalaha Ee Tagta Albaraka oo Dhagaxaan shub ah ay ku Xirnaayeen.

Waxa Wasaarada Amniga Soomaaliya ay sheegtay in ay qeyb ka tahay dib ufurista Waddooyinka Xiran mida maanta loo furay Tan Shaqaalaha ka tagta.

Wadadaan ayaa laami hore loo saaray balse Dawladii Madaxweyne Xasan Sheekh Ayaa Amni awgeed loo xanibay isku socodka Wadadaasi aada dhinaca KPP ilaa Albaraka usii gudubta.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay