Wararkii Ugu Dambeeyay ee Rabshadaha ka socda Kenya & Khasaaraha oo heer xun gaaray

Gabar 10 jir ah ayaa ku jirta tiro dad ah oo ku dhintay rabshadaha ka dhacaya dalka Kenya ee ka dhashay natiijadda doorashadii uu ku guuleystay  Uhuru Kenyatta.

Gabadhan oo dhigata iskuulka sare ayaa caruur kale la ciyaareysay xili ay ku sugneyd xaafadeeda magaaladda Nairobi, laakiin rasaas ayaa lala beegsaday

Rabshadaha ayaa sii xoogeystay qeybo kamid ah dalka Kenya, ciidamada amaanka ayaana isku dayaya iney kala eryaan dadka banaanbaxaya.

Rabshado ka socda Nairobi

Ciidamada ayaa beeniyay eedeynta ah iney rasaas nool u adeegsadeen dadka banaanbaxa dhigaya.

Khalalaasaha oo sii batay

Dad badan ayaa waxyeelo ay kasoo gaartay rabshadaha ka soconaya Kenya, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladu ay sidaan kusii socoto

Saxaafadda Kenya ayaa inta badan ka gaabsaneysa iney tabiso rabshadaha oo meelaha qaar sii xoogeytay gaar ahaan  Nairobi, Kisumu, Siaya, Homa Bay iyo Migori waana meelo ay mucaaradka laga guuleystay ku xoogan  yihiin.

Khasaaraha dhimashadda

Hay;adda dhanka xaquuqda aadanaha Kenya ayaa sheegtay in 24 qof ilaa haatan dhinteen tan iyo markii ay bilaabatay doorashadii uu ku guuleystay Uhuru Kenyatta

“Waxaan ka baqeynaa in xaaladu sidaan kasii darto maadaama la isticmaalayo awood dheeraad ah”ayay sheegtay gudoomiyaha hay’adaas.

17 kamid ah dadkaas ayaa ku dhintay magaaladda Nairobi, halka min labo ruux ay ku dhinteen deegaanadda  Siaya iyo Migori  sidoo kale min hal qof ayaa ku dhintay Homa Bay iyo Kisumu.

Madaxda la doortay ayaa ku baaqaya in xaaladda la dajiyo, halka Hogaamiyaasha laga guuleystay aysan ilaa haatan hadlin inkastoo ay dalbadeen xili hore in wax walba lagu xaliyo si daganaan ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)