Wararkii Ugu Dambeeyay ee Dagaalkii Bakool & Sh Roobow oo awoodiisa tusay Kooxda Shabaab

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal culus oo mar kale dib uga dhex qarxay maleeshiyaadka Shabaab iyo wadaadka Mukhtaar Roobow.

Dagaalka oo ahaa mid rogaal celin ah ayaa waxa uu bilowday kadib markii maleeshiyaadka Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaaden deegaanka uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow.

Maleeshiyaadka ayaa dagaalka ku biirisay dagaalyahaano cusub, taa oo loo sababeynaayo bilaabashada dagaalka.

Weerarka oo ku bilowday Hubka culus ayaa waxaa iminka lasoo sheegayaa inuu qaboobay, inkastoo weli la maqlaayo rasaas goosgoos ah oo ay ridayaan labada dhinac.

Khasaaraha dagaalka ayaa la xaqiijiyay inuu yahay dhimashada afar maleeshiyo, halka dhaawacana uu gaaray lix kuwaa oo isugu jira labada dhinac.

Weerarka ayaa daba socda weerar ay maleeshiyaadka Shabaab Arbacadii la soo dhaafay ku qaadeen fariisimaha uu Mukhtaar Roobow ku leeyahay deegaanka Abal oo ka tirsan gobolka Bakool, inkastoo uu iska difaacay.

Ma jirto wax haddal ah oo ku saabsan dagaalka oo weli kasoo baxay dhanka dowlada Federaalka ah ee Somalia.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay