WARAR HADD AH: Dagaal xoogan oo ka dhex qarxay Shabaab & Sh Roobow iyo Ciidamo badan oo…

Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar kale maanta ku qaadeen saldhigga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur kadib dagaalkii dhacay subaxnimadii Arbacada ee dib loogu soo rixay Al-Shabaab.

Weerarkan cusub ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey markii Al-Shabaab ay maleeshiyo badan keeneen deegaankaasi, kuwaasi oo la sheegay inay qayb ka yihiin weerarkan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, laakiin warar hordhac ah ayaa sheegaya in ciidamada Wadaadka ay si weyn isaga difaacayaan weerarkan.

Dagaalladii dhacay maalintii Arbacada ayaa la sheegay inay ku dhinteen 19 qof oo ka tirsan labada dhinac.

La soco Wararkii soo Kordha Insha Allah


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)