Warar Cusub oo kasoo baxaya Xaaladda Muqtaar Roobow & Koofur Galbeed oo Arrin lama filaan ah ku dhawaaqday

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xaaladda deegaanka Abaal ee gobolka Bakool halkaas oo ay maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalameen Shabaab iyo wadaadka Sh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur.

Ciidamadda dowladda gaar ahaan kuwa Koofur Galbeed ayaa gaaray deegaanka lagu dagaalamayo, iyagoo garab siinaya Muqtaar Roobow.

Wasiirka gudaha maamulka Koofur Galbeed ayaa xaqiijiyay iney hub gaarsiiyeen deegaanka lagu dagaalamayo, laakiin hubkaas kaliya ciidamada dowladda ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale, waxaa uu ka hadlay iney suuragal tahay in Sh Muqtaar Roobow uu isku soo dhiibo maamulka Koofur Galbeed iyo hadii ay wadahadal la yeesheen.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Wasiirka ayaa dhanka kale ka hadlay halka ay haatan Kooxda Shabaab kaga sugan yihiin deegaanka lagu dagaalamay ee Abaal.

AlShabaab ayaa askar badan looga dilay dagaalka oo mudo maalmo ah soconayay, waxaana ciidamadda dowladda ee gaaray deegaankaas ay badaleen jawigii maadaama ay xoojiyeen ciidamda Sh Muqtaab Roobow.

La soco Wararkii soo Kordha Insha Allah


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)