WAR HADDA SOO DHACAY: Sh.Mukhtaar Rooboow Cali Abu Mansuur oo Isku Dhiibay….

War goordhaweyd kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali uu isku dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sargaal katirsan Maamulka Shariif Xasan oo la yiraahdo Nuuradiin Yuusuf Abuukar ayaa Xaqiijiyey in Abu Mansuur ay gacanta ku hayaan maamulkooda.

Ciidanka Daacada u ahaa Sheekh Rooboow ayaa sidoo kale isku dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

11 Sano kadib ayey noqoneysaa oo Abu Mansuur Mabda’ii Shabaabnimo iyo kii Maxkamadaha Islaamka uu soo geba gabeeyey uuna hadda is dhiibay.

Mar ayuu soo noqday Abu Mansuur Rooboow Afhayeenka Ururka Al Shabaab isagoo Saaxiib dhaw la ahaa Hogaamiyihii La dilay ee Shabaabka Aadan Xaashi Ceyroow oo Dalka Afgaanistaan mar kasoo wada dagaalameen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)