War deg deg Ah: Dagaal Culus oo Ka Socda Garbahaareey & Faah faahin Hordhac Ah

War goordhaweyd kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa sheegaya in dagaal Culus uu ka Socdo Duleedka Magaalada Garbahaareey Ee Xarunta Gobolka Gedo.

Dagaalkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii Ciidan Itoobiyaan ah oo ka yimid Luuq ay weerar gaadmo ah ku Ekeeyeen Ururka Al Shabaab.

Deegaanka Meey Kaa Reebe oo 7KM Ujira Garbahaareey ayaana dagaalka uu Xoogiisa ka socdaa,Meydadka Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Shabaab ayaana la arkay.

Ciidan Badan oo Gurmad ah ayaa ka baxay Dhinaca Garbahaareey waxaana la maqlayaa Rasaas Culus welina uu dagaalka uu socdo.

NAGA FILO FAAH FAAHIN INSHA ALLAAH WIXII SOO KORDHO


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)