War Cusub oo kasoo kordhay Dagaalkii Shabaab & Roobow iyo Mahad Karatay oo Nolol & Geeri udhaxeeya

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidanka taabacsan Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ay Jimcihii dhaawaceen Amiir Kuxigeenka Ururka Al Shabaab, Mahad Warsame Qaley (Mahad Karataay), ka dib markii uu dagaal ku dhex maray Gobolka Bakool.

Maleeshiyada Al Shabaab iyo xoogaga uu wato Mukhtaar Roobow oo Arbacadii ku dagaalamay Deegaanka Abal, ayay hadana shalay ku wada dagaalameen Deegaanka Seeyalow.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), ayaa waxaa uu sheegay in Shabaabkii dagaalka soo qaaday uu horkacayay Mahad Karataay, laguna jebiyay dagaalka, sida uu yiri.

Warar madax bannaan, ayaa sheegaya in qayb ka mid ah maleeshiyada Shabaab, ay dib uga gurteen deegaankii lagu dagaalamay, markii uu lugta ka dhaawacmay Mahad Karataay, oo ururka dhexdiisa looga yeero Abuu C/raxmaan.

Wararka, ayaa sheegaya in Mahad Karataay uu kolkii hore wada hadalo ku deyay Abuu Mansuur, si uu dib ugu soo laabto Shabaabka, balse uu ku gacan-seyray, taa dhabaha u xaartay in uu weeraro.

Wararka waxay intaa ku darayan in maleeshiyada Shabaabku, ay Mahad Karataay ku hayaan hawdka fog ee Gobolka Bakool.

Abuu Mansuur oo horey u soo noqday Amiir Kuxigeenkii Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa la sheegay in billihii la soo dhaafay uu wada hadalo kula jiray Maamulka Koonfur Galbeed. Madaxweyne Shariif Xasan, ayaa bilowgii bishii July xaqiijiyay in maamulkiisa iyo Abuu Mansuur uu wada hadalo u socdo.

Wasiir Xasan Eelaay, ayaa Jimcihii ku celiyay in mowqifka Dowladda Dhexe iyo kan Koonfur Galbeedba uu yahay in la soo dhaweeyo cid kasta oo ka tanaasusha fekerka khalafsan ee Shabaabnimada.

Abuu Mansuur, ayaa ka cararay Al Shabaab, ka dib markii uu ka carooday Saraakiil sar sare oo uu laayay Amiirkii hore ee Al Shabaab, Axmed Cabdi Aw Maxamed (Axmed Godane).

Tan iyo 2013-kii, ayuu Abuu Mansuur iyo ciidan uu watay waxaa ay ku dhuumaaleysanayen deegaano ku yaala Gobolada Koonfur Galbeed, waxaana jiray ciidan gaar ah oo Godane uu daba dhigay, iyadoona ay dhowr goor isu dhaceen. Abuu Mansuur ayaa markasta fashilinayay weeraradii kaga imaanayay dhanka Godane.

Xiisadda hadda ka soo dhex cusboonaatay Abuu Mansuur iyo Shabaabka, ayaa timid ka dib markii Mareykanka uu daba-yaaqadii bishii June uu Abuu Mansuur ka saaray liiska argagixisada.

Roobow oo 50 jir lagu qiyaaso, ayaa ka mid noqday hogaamiye-yaasha loogu doon doonista badan yahay, isagoo Al Qaacidda kula tababartay dalka Afghanistan sanadkii 2000, markii uu waxbarashadiisa heerka jaamacadeed ku dhameystay dalka Sudan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay