TOOS UDAAWO Natiijadda Doorashadii Kenya oo lagu dhawaaqayo & Xiisado taagan

Waxaa Hootan la filayaa in lagu dhawaaqo natiijadda rasmiga ah ee doorashada dalka Kenya gaar ahaan tan madaxweynaha.

Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa WILLIAN Ruto oo la filayo iney guuleystaan ayaa goordhow gaaray xarunta cod tirinta ee BOMAS Nairobi kahor inta aanan lagu dhawaaqin iney dalka kasii talin doonaan.

Mucaaradka uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa diiday natiijadda hordhac ah, laakiin Gudiga doorashada ayaa ku adkeysanaya in wax walba ay sax yihiin.

Amaanka xarunta ayaa la adkeeyay waxaana la geeyay ciidamo aad ubadan iyadoo laga cabsnayo rabshado natiijada ka dhasha.

Waxey aheyd in natiijadda lagu dhawaaqo Duhurnimadii maanta, laakiin gudiga ayaa sheegay in weli aysan helin Foomam dhiman sidaas darteed dib ay udhacday.

HOOS LIVE UGA DAAWO KU DHAWAAQIDA OO DHICI DOONTA Saacadaha soo socda


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)