Taliska Militariga Dowladda Soomaaliya oo War lama filaan ah kasoo saaray dagaalkii Abuu Mansuur & Shabaab

Kadib markii shalay galab mar kale Shabaab weerar ay ku qaadeen Wadaadka Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ku sugan duleedka deegaanka Abal ee Gobolka Bakool, ayaa dagaalkaasi waxaa ka hadlay Taliska Militariga ee Gobolka Bakool.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Somaliya ee Gobolka Bakool Maxamed Xasan Tima Cadde oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay inuu jiro dagaalka Shabaab iyo ciidanka Abuu Mansuur ku dhexmaray duleedka deegaanka Abal.

Wuxuu sheegay ciidamada Abuu Mansuur inay si adag isaga difaaceen ciidankii weerarka ku soo qaaday ee Shabaab, xilli kastana diyaar ay u yihiin ciidanka Militariga Somaliya inay u gurmadaan ciidamada Abuu Mansuur uu wato.

“Dagaalkaasi Abal waa jiray beryahan nimanka Khawaarijta waxa ay isku soo aruursanaayeen 20 jirow, dhaq dhaqaaqooda waan la soconay, Muqtaar Roobow, hadda meesha ayuu ku jiray waa nin ka goostay oo mabdi’ii kaga baxay, anaga amar waxaan ku qabnay haddii dagaal ay ku qaadaan in aan gurmad u sameyno.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Somaliya ee Gobolka Bakool.

Amarka u gurmashada Abuu Mansuur ayuu sheegay inay soo siisay Dowladda Federalka Somaliya, gaar ahaan Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo ku amray inay u gurmadaan Abuu Mansuur, haddii Shabaab ay dagaal ku soo qaadaan.

Taliye Tima Cadde, ayaa sheegay dhulka buuraha ah ee Abuu Mansuur uu ku sugan yahay inay ku yar tahay anteenada Isgaarsiinta, balse markii ugu dambeysay ciidanka Abuu Mansuur xaaladooda ay wanaagsaneyd si adagna ay isaga caabiyeen Xoogagii Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Illaa hadda waxaanan la garaneyn inta uu la eeg yahay khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay dagaalkii shalay galab dhexmaray ciidanka Abuu Mansuur iyo Shabaabkii weerarka ku qaaday.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay