Shariif Xasan & Xasan Cali Kheyre oo Qadiyada Abu Mansuur Kaga Shiraya Hadda Muqdisho

War goordhaweyd kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa sheegaya in Kulan gaar ah uu ka socdo Magaalada Muqdisho kaasi oo udhaxeeya R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynaha Maamul Gobolleedka K/Galbeed Soomaaliya.

Waxa ugu weyn ee Labada Mas’uul ka hadlayaan waa Qadiyada Sheekh Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur oo 15 Sano kudhawaad Dagaalkii Soomaaliya uu kasoo waday maanta Dawladnimada usoo Xuub Siibtay.

Ilo madax banaan ay Heshay Baahin waxay ku waramayaan in Dawlada Federaalka Soomaaliya ay wado qorshe lagu Keenayo Xamar Wadaadkaasi oo ka mid ahaa kuwii ugu mayalka Adkaa Dhinaca Islaamiyiinta Soomaaliya.

Abu Mansuur Rooboow oo deegaan ahaan kasoo jeeda K/Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu maanta isku dhiibay Dawlad Gobolleedka Ka jira Gobollada Bay,Bakool iyo Sh/Hoose.

Waa dhabar jab weyn oo Shabaab soo wajahay isa soo dhiibitaanka dhanka Dawlada Sheekh Mukhtaar Rooboow waxayna guul weyn utahay Dawlada Farmaajo oo Sirta iyo Saanadaha Shabaab meelaha ay yaallaan ka ogaan karaan Rooboow waa hadii is faham dhexmaro.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)