SAWIRRO: Faroole oo Kismaayo tagay, Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay & Qorshahiisa

Xildhibaan C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo masuuliyiin kale, ayaa C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ku soo dhaweeyay Garoonka Kismaayo.

Intaasi ka dib, ayaa waxaa Xildhibaan C/raxmaan Faroole loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, halkaasoo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jubbaland.

C/raxmaan Faroole, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Magaalada Kismaayo, ka dib muddo dheer oo sida uu sheegay uu ka maqnaa.

Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa isna sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada uu ugu yimid Xildhibaan Faroole, mudada uu Kismaayo ku sugan yahayna uu kula kulmi doono qaybaha bulshada.

Axmed Madoobe, ayaa Faroole ku ammaanay in uu ka mid ahaa dadkii muhiimka u ahaa Dhismaha Maamulka Jubbaland, dadka reer Jubbaland-na ay taasi abaal uga hayaan, sida uu yiri.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay