Sacuudi Carabiya oo Khamiistii ay Gaareen Dad Kabadan Nus Milyan Qof (Warbixin)

Dawlada Sacuudi Carabiga ayaa sheegtay in Khamiistii keliya ay waddankeeda soo gaareen inkabadan Nus Milyan Qof.

Dadkaan ayaa ka kala yimid Dunida Daafaheeda kuwaasi oo la sheegay inay Sanadkaan Alle ufududeeyey inay soo Xajiyaan.

Sargaal Sare oo katirsan Waaxda Socdaalka Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa Xaqiijiyey in 529,000 Qof ay Tageen Waddankaasi.

4,612 qof waxay Ku Gaareen Waddanka Sacuudiga Safar Dhulka ah oo Gaadiid ayey Raaceen halka 524,234,qof ay Diyaarad ku tageen Sacuudiga.

Xadi ahaan waxaa badan dadka Sanadkaan Xajinaya Sanadkii hore marka loo Eego,waxaana la ballaariyey Meesha Dhagax Tuurka (Jamaraat-ka) Banka Carafo istaageeda iyadoo Ciidan badan la diyaariyey oo dadka kala hagi doona.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)