Rasaas Lagu Furay Gaari Nuuca Raaxada Ah & Salaad Cabduqaadir Warsame oo Geeriyooday

Waxaa Dableey Hubeysan ay Rasaas ku fureen Gaari nuuca Raaxada Ah oo marayey Bartamaha Magaalada Caabud Waaq Ee Gobolka Gal gaduud.

Dableyda ayaa la sheegay inay Rasaasta huwiyeen Gaarigaan oo nuuciisu ahaa PROPOX islamarkaana Shacab ay la socdeen sida dadka deegaanku sheegeen.

Waxaa Rasaastaasi ku dhintay Hal Qof oo ahaa darawalkii Baabuurka laguna Magacaabi jiray Salaad C/qaadir Warsame waxaana dhaawac uu soo gaaray Qof kale oo gaariga la socday.

Baabuurka la xabadeeyey ayaa marayey Irida Hore Ee cusbitaalka Al Xayaat Ee Magaalada Caabud waaq,waxaana la ogeyn sababta keentay in la rasaaseeyo gaarigaasi.

Xaalada ayaa ah mid deggan markii loo eego Tacshiiradaasi ka dhacday Saacado ka hor deegaanka ee waxyeelada kala duwan geysatay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay