M/weyne Farmaajo oo maanta Ku dhawaaqay In Soomaaliya Laga Waayey Cudur Dadka Dhib Ku Hayey

Kulan maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxa lagu Shaaciyey in Cudurka Dabeysha laga waayey Guud Ahaan Dalka Soomaaliya.

Muddo Seddex Bil ah ayaa la tilmaamay in laga cirib tiray Cudurkaasi guud ahaan Dalka islamarkaana la is xasuusiyey dhibta uu leeyahay Cudurkaasi.

Kulanka oo ka dhacay Dugsiga General Kaahiye ayaa waxa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay Hay’ada Caafimaadka Adduunka WHO,Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya iyo Xubno katirsan Labada Aqal Ee Dawlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dalka Maxamed Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Kulankaasi waxa uu sheegay in ay guul tahay Soomaaliya usoo hoyatay in Cudurka Dabeysha oo naafo dadka ka dhiga laga cirib tiray Dalka oo dhan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)