Mareykanka oo si maadeysi ah uga hadlay Duqeyn lagu laayay Shabaab & Cidii bixisay Amarka…

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa warar is barbar socda kasoo kala saaray duqeyn Shalay lagu qaaday duleedka Muqdisho oo lagu bartilmaameedsaday sarkaal ka tirsan Alshabaab.

War saxaafadeed Xalay kasoo baxay Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in shalay oo aheyd 10-ka August ciidamada Mareykanka howlgal weerar duqeyn ah ku qaadeen duleedka Muqdisho.

Warka ayaa intaas ku daray in la qiimeynayo natiijada kasoo baxday duqeynta, dibna laga shaacin doono, waxaana taliska ciidamada Mareykanka ee Africom uu sheegay inaan la shaacin doonin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan ciidamada weerarka qaaday si loo hubiyo ammaankooda.

“Waan sii wadi doonaa inaan la shaqeyno saaxiibadeena Soomaaliasi loo bur buriyo Shabaab, loogana caawiyo Soomaaliya sidii loogu soo celin lahaa nabad iyo kala dambeyn”ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Mareykanka

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dalkaas Mareykanka uu bixiyay amarka lagu weerarayo xarumaha Shabaab bishii March ee sanadkan, ayna sii wadi doonaan howlgaladdan.

Mareykanka ayaa horey duqeymo ugu geystay gudaha Soomaaliya, waxaana ay ku dileen saraakiil iyo ciidamo katirsan Shabaab, arrintan ayaana farxad u ah dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta Shabaab

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA AFRICOM

Madaxweyne Farmajo oo amray howgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge Al-Shabaab ka tirsan

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa amray howlgal qorsheysan oo ay nala fuliyeen saaxiibada caalamka ee ShaashWeyn oo bannaanka gobolka Benaadir ah halkaas oo lagu dilay horjooge sare ee kooxda maleeshiyaadka argagaxisada Al-Shabaab.

Horjoogahan kooxda argagaxisada ka tirsan ayaa mas’uul ka ahaa qorsheyaasha lagu fulinayey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan eek a dhacayey Muqdisho oo lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Labadii usbuuc ee u danbeysey ayaa geesiyaasha ciidanka Soomaalida ayaa bartilmaameysanyey kooxaha argagaxisada jid-gooyooyinka ay lacagaha baadka uga qaadaan shacabka, oo weliba weeraradaas mid ka ah lagu qaarajiyey horjoogihii Muqdisho u qaabilsanaa argagaxisada Al-Shabaab oo lagu magacaabi jirey Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).

Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ayaa ay ka go’antahay in kooxaha argagaxisada ah laga ciribtiro dalka, so shacabka looga badbaadiyo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, tanoo shacabka Soomaaliyeed, kuwa Afrikada Bari iyo Caalamkaba dan u ah.

DHAMAAD


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay