Laba Madaxweyne Miyay yeelan doontaa Kenya..? [Xaaladda Muranka ka taagan Doorashada]

Musharaxa mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa iskiis ugu  ku dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha la doortay ee Kenya.

Shir  jaraaid oo isbaheysiga mucaaradka qabteen ayay ku sheegeen in musharaxooda uu heysto codad ka badan 8 Milyan, sidaas darteedna uu yahay madaxweynaha ku guuleystay doorashadii Kenya.

Natiijadii ay shaaciyeen Isbaheysiga mucaaradka ayaa ah:

Raila: 8,041,726

Uhuru: 7,155,428.

Arrintan  waxaa cambaareeyay guddigha doorashada oo sheegay in iyaga kaliya ay shaacin karaan natiijada. Agaasimaha guud ee gudiga doorashooyinka Kenya Ezra Chiloba ayaa shacabka ugu baaqay in ay isdejiyaan inta ay ku jiraan hubinta natiijada kasoo baxday doorashada

Natiijada ugu danbaysa ayaa looga dhawaaqi doonaa caawa 7:30 Fiidnimo xarunta Bomas, halkaas oo ay isugu tageen musharixiinta ku loolamaya doorashada madaxtinimo.

Waxaa laga cabsi qabaa in Kenya ay  yeelato laba madaxweyne, iyagoo musharaxa Mucaaradka iyo isbaheysigiisa ay ku adkeysanayaan inuu Raila Odinga ku guuleystay doorashada, laakiin natiijada ilaa iminka la shaaciyay ayaa muujineysa in Uhuru Kenyatta dib loo doortay.

Rabshado ayaa laga cabsi qabaa inay sameeyeen taageerayaasha mucaaradka, kadib ku dhawaaqista natiijada kama danbeysta ah, taasoo dalka gelin karta qalalaase, iyo inuu jiitamo muranka ku saabsan doorashada iyo natiijadeeda.

Sida ka muuqata mucaaradka uma dhowa inay aqbali doonaan natiijada lagu dhawaaqayo caawa, halka taageerayaal jidbeysan ay sugayaan wixii soo baxa, waxaana laga digayaa inay dib u soo noqdaan wixii dhacay doorashadii hore oo dad badan lagu laayay kadib murankii ka dhashay doorashadii hore.

Muranka doorashada madaxtinimda ayaa jiitami doona ugu yaraan bilo, haddii aanay dhicin xaalado kale oo dalkaasi geliyay qalalaase ama faragelin keenta culeys la saaro mucaaradka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)