HOTNEWS: Shabaab oo Sheegay in Abu Mansuur 6 Sano Ka Hor Ay Ka Quusteen

War kasoo Baxay Ururka Al Shabaab ayaa looga hadlay is dhiibitaanka Sheekh Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur.

Al shabaab ayaa waxay Baraha ay wararka ku faafsadaan kusoo qoreen in Lix Sano Ka hor Shabaab uu ka baxay Abu Mansuur.

Waxay Shabaab Sheegeen in ay isku dhaceen Sheekh Mukhtaar iyo Abu Zubeyr Sanado ka hor intuu Amiirkaasi Noolaa.

Shabaab waxay sheegeen in lix sano ka hor uu ka baxay Shabaab daa’iradii lagu Yaqaanay.

Al Shabaab oo sii hadlaya waxay sheegeen in 7 Askari iyo Isaga ay Maanta isku dhiibeen Maamulka K/Galbeed Ee kusugan Xudur ayna la socdeen Xogta iyo Soo dhaweynta loo sameeyey.

Abu Mansuur ayaa maanta gelinkii hore waxa uu isku dhiibay Maamulka Shariif Xasan uu Hogaanka uyahay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay