HOTNEWS: Diyaarado Hub Sida oo Shariif Xasan Udiray Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur

Xaalada ayaa sii xumaaneysa,Shabaab ayaa is abaabulaya oo doonaya inay nolol iyo geeri mid uun ku qabtaan Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abu Mansuur.

Sida Xogta aan ku helnay Ciidan badan oo gurmad ah ayaa ka baxay Baydhabo iyo Xudur kuwaasi oo ku wajahan dhinaca Deegaanka Abal oo Sheekh Mukhtaar Abu Mansuur ay kusugan yihiin isaga iyo Maleeshiyada Daacada u ah.

Warar soo baxay ayaa ku waramaya in Diyaarado Hub Sida oo laga keenay dhinaca Itoobiya loo daabulay dhanka Tuulada Abal si uu isku difaaco Sheekh Mansuur.

Wadaadkaan Mayalka Adag Ee Shabaabka hore uga mid ahaa Madaxdooda ayaa mabda’oodii ka hor yimid iyaguna ay ka baqanayaan Xogta Kooxda inuu faafiyo ayna ubaahan yihiin inay qudha ka jaraan.

Boqolaal Askari oo Daacad u ah Sheekh Mukhtaar Rooboow ayaa nafta ag dhigay inay difaacaan isagana qoriga uu qaatay dagaalna uu qeyb ka yahay.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Diyaaradahaasi Hubka sida ka dejin doona Xudur sidaana Gaadiid ugu geyn doona Abu Mansuur sida xogta lagu helayo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)