DHAGEYSO: Wasiiro Caan Ah Oo Is Casilay HirShabelle & Cosoble Ay Uhanjabeen

Sida aan barqadii maanta soo gudbinay waxaa la helay in ay jireen Wasiiro Is Casilaya oo katirsan Maamulka HirShabelle islamarkaana ay ku dhawaaqeen Duhurnimadii inay shaqada ay hayeen iska casileen.

Wasiiro gaaraya 13 ayaana la xaqiijiyey inay is Casileen kadib markii ay Ku Eedeeyeen Maamul Xumo Hogaamiyaha HirShabelle Cali Cosoble.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Wasiirada oo Shir jaraa’id ku qabtay Jowhar waxay sheegeen in muddo 10 Bil ah oo ay Xilka soo hayeen aysan Shaqada ka wadi waayeen Cosoble oo tiimbaraha Wasaaradaha qaar uu isaga heysaty.

Waxay ku goodiyeen in ay Kalsoonida kala noqon doonaan Wasiirada is Casilay Madaxweyne Cali Cosoble oo Khaladaad badan ka tabanaya.

Wasiirada is casilay ayaa iskugu jira Wasiiro,Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiru dowlayaal katirsanaa HirShabelle.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay