DHAGEYSO: Soomaaliland oo Galeysa Xaalad Halis Ah & Garyaqaan Caan Ah oo Digniin Soo Jeediyey

Garyaqaan Muuse Maxamed Axmed ayaa waxa uu ka hadlay is qab qabsiga ka dhashay cida ah Gudoomiyaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland.

Waxa uu garyaqaan Muuse ka digay in Xaalad Halis ah la galo oo Jamhuuriyada Soomaaliland ukeeni karta dib udhac kale xilli hadda doorasho la isku diyaarinayo.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA 

Kulan maanta baarlamaanka Soomaaliland ku yeelanayaan Hargeysa ayaa waxa la sheegay in looga hadli doono Khilaafka ka dhashay Gudoomiyaha La isku Heysto.

Todobaadkii hore Doorasho dhacday oo Hal Cod lagu kala Badiyey waxaa Gudoomiye lagu doortay Baashe Maxamed Faarax oo 12 Sano Baarlamaanka Xildhibaan kasoo ahaa.

Balse Diidmo qayaxan waxaa Doorashadaasi ka keenay C/raxmaan Tanyale isagoo sheegtay inuu yahay Gudoomiyaha Saxda ah Ee Wakiilada Soomaaliland.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Maxamad says:

    Habaarka hoostiina la hela , Somaliland waxba la kulmimayso ,way u bislaatay arimahan oo kale ,xalinta khilaafdkana way taqaana, , ,waxan wax ka waaweyn ayaa na soo maray , oola furdaamiye