DHAGEYSO: Meydadka Tiro Shabaab La Dilay oo Si Fool Xun Loola Dhaqmay Gobolka…

Waxaa dagaal uu ka dhacay sida intiina badan la socotaan Deegaan hoostaga Magaalada Garbahaareey Ee Gobolka Gedo Koonfur Galbeed Soomaaliya ku taalla.

Dagaalkaasi ayaa ka dhacay Shalay Sabtidii Tuulada Meykaareebe la yiraahdo waxaana uu dhexmaray Ciidanka Dawlada iyo itoobiya oo isku hdinac ah iyo Ciidanka Al Shabaab.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in Shabaab ay jab iyo halaag kala kulmeen dagaalkii shalay dhacay.

Waxa uu sheegay Mas’uulkaasi in 7 Askari la dilay oo katirsanaa kuwii Shabaabka udagaalamayey.

Al Shabaab mar ay hadleen waxey ku  faaneen in Askar badan ku laayeen dagaalkii ka dhacay duleedka Magaalada Garbahaareey Ee Caasimada Gobolka Gedo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)