DHAGEYSO: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Bahdil Ku Sameeyey Xildhibaan Dacwad U Gudbiyey

Kadib Dacwad loo gudbiyey Maxkamada Sare Ee Soomaaliland ayaa waxay soo saartay Warbixin cusub oo ay kaga war celineyso sida ay u aragto Dacwadaasi.

Waxa Dacwada ugudbiyey Maxkamada Dhawaan Xildhibaan C/raxmaan Tanyanle oo isagu sheegtay in looga qaaday Jagada uu helay oo ah Gudoomiyaha Wakiilada si sharci daro ah.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Doorashadii dhacday Isbuucii Hore ayaa waxaa Hal Cod looga adkaaday C/raxmaan Tanyanle islamarkaana uu guuleystay sida Baarlamaanka Soomaaliland Badankood sheegeen Baashe Maxamed Faarax.

Hadaba Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Soomaaliland ayaa sheegay in Dacwada Tanyanle soo gudbiyey ay umuuqato mid Caadifad leh sidaa awgeedna lagu xaliyo Xeer hoosaad.

Is qab qabsiga ka dhashay Jagada ugu sareysa Ee Soomaaliland Dhinaca Golaha Wakiilada ayaa xitaa waxay sababtay in xildhibaanada qaar ay maalmo ka hor isku feeraan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay