DHAGEYSO: Gudoomiyaha G/Banaadir oo Magac Cusub Ula Baxay Dadka Deggan Muqdisho

Isagoo maanta saxaafada kula hadalyey Gudoomiye Thabit Muqdisho ayuu ka hadlay dib ufurista wadada Shaqaalaha Ee Tagta dhinaca Isgoyska KPP.

Waxaa Eray ahaan waayahaan Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir uu isticmaalayey (MUDISHAAWIYIINTA) uu ula baxay Dadka deggan Magaalada Caasimada Ah Ee Xamar.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Thabit Cabdi Duqa Muqdisho waxa uu sheegay in Reer Muqdisho looga fadhiyo inay sii laba jibaaraan wada shaqeynta kala dhaxeysa Ciidanka Amniga.

Waxa uu duqa Muqdisho sheegay in la’aantood Shacabka aysan waxba qaban karin Dadka deggan Gobolka Banaadir oo Nabad gelyada ciidanka keligood sugi karin.

Wadada Shaqaalaha ayaa dhagax Shub ah lagu jaray Labo Sano Ka hor Kadib Amni daro baahsan oo Xamar ka jirtay balse berri oo Axad ah wixii ka dambeeya ayaa dib ay ushaqo bilaabi doontaa Wadadaasi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)