DHAGEYSO: Ciidan Itoobiyaan Ah oo Shacab Ku Xasuuqay Gedo Qaarna Nolosha Ku Kaxeystay

Sida ay inoo sheegeen dad ku dhaqan Gobolka Gedo Ciidanka Itoobiyaanka ah Ee Ka qeybta ah Howlgalka AMISOM Ee Soomaaliya ayaa waxay fal wuxuushnimo ah ka geysteen Gobolkaasi.

Ciidanka Itoobiyaanka ayaa 7 Qof waxay Labo ka mid ah dileen Shan kalena ay nolosha ku wateen Deegaan Bariga uga beegan Magaalada Garbahaareey.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Cali Ciideey Mire Cige oo ka mid ah Dhalinyarada Garbahaareey islamarkaana ka mid ah Dadka Ehelkooda la dilay ayaa waxa uu ka warbixiyey Ficilkaasi xun ay sameeyeen Ciidanka Itoobiyaanka.

Waxa uu Cali Cige sheegay in Ciidankaasi ay ka caroodeen Weerar lagu qaaday Xilli ay Ceel biyood kusugnaayeen Shalay kadib Xanuunka gaarayna Shacabka ku Qaras baxeen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)