Dhageyso: Abuu-Masuur oo Sirtii Ugu Cusleyd Shaaca ka qaday, Siyaasiyiin & Ganacsato Caan oo la fashilyay…

iyadoo Maanta Magaalada Muqdisho laga soo dajiyay Sheekh Muqtaar Rooboow “Abuu-mansuur” islamarkaana la kulmay R/wasaaraha Somalia ayaa kulanka R/wasaaraha kadib waxaa loo gudbiyay xaruunta Nabad-sugida Qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Sarkaal si dhow ula socda Xaalada Sheekh Muqtaar kana tirsan Taliska NISA ayaa Caawa nala wadaagay Xogo sir ah oo si hor dhac ah looga helay Abuu-mansuur waxaana uu caddeeyay in warkaan uu noqon doono midka Ugu saameynta badan.

HALKAAN KA DHAGEYSO XOGTA OO FULL AH:

Sarkaalkaan oo diiday in aan Magaciisa baahino ayaa sheegay in Muqtaar Rooboow uu R.wasaare kheyre iyo Taliyaha NISA Sanbaloolshe la wadaagay Liiska Siyaasiyiin Caan ah iyo Ganacsato waaweyn oo si hoose uga tirsan Shabaabka balse waxaa uu sarkaalkaan naga diiday in uu shaaciyo Magacyada liiska ku qoran.

Sarkaalkaan ayaa inoo sheegay kaliya in uu nala wadaagi karo Xiligaan wixii ka dambeeya in shabaabka muqdisho iyo gobalada dalka uu waqtigooda dhamaaday sirtii u qarsaneydna dowlada usoo gacan gashay.

Waxaa lagu wadaa caawa ama beri in Madaxweynaha Soomaaliya lala kulansiiyo Muqtaar Rooboow kadibna waxaa loo soo bandhigi doonaa warbaahinta isagoo sharaxaya marxaladihii uusoo maray iyo sababta uu isku soo dhiibay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)