DEG DEG:Sheekh Mukhtaar Rooboow oo muqdisho laga soo dajiyay iyo saraakiil cadaan ah oo la wareegay

Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad qaas ah oo magaalasda Xudur kasoo qaaday Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) Afhayeenkii hore ee kooxda Al Shabaab.

Abuu Mansuur iyo xubna la socda ay ku jiraan Masuuliiin iyo saraakiil katirsan dowlada ayaa soo gaaray garoonka Aadan Cadde, waxaana si wen loo adkeeyay amaanka garoonka iyadoona dadka rayidka ah laga ilaaliyay in ay arkaan diyaarada keentay Abuu Mansuur.

Sida aan Wararka ku heleyno Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa markii garoonka laga soo dejiyay waxaa si gaar ah ula wareega Saraakiil Cadaan ah oo la sheegay in ay kasoo jeedaan dalka Mareykanka.

Abuu Mansuur aaana hada lagu hayaa qeybo kamid ah garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde gaar ahaan xero ku dhax taala ay degan yihiin Saraakiil cadaan ah, waxaa sidoo kale halkaasi ku sugan masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa saaka kulan gaar ah ka yeeshay xaalada Abuu Mansuur, oo si rasmi ah galabta loogu soo gacan geliyay dowladda Soomaaliya.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sanadkii 2013 gooni uga baxay Al-Shabaab, kaddib markii ay is khilaafeen Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay uu gabaadsanayay deegaanka uu ku dhashay ee Abal oo ka tirsan Gobolka Bakool.

Bishii June ayay aheyd markii Mareykanka uu ka saaray liiska dadka aadka loo doon doonayo, iyadoo madaxiisa ay dul saarneyd lacag gaareysa illaa shan milyan oo dollar, waxaana wixii markaas ka dambeeyay Al-Shabaab ay culeys saartay Wadaadka, isla markaana weerartay deegaankii uu ku sugnaa.


Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararkeena ugu soo horeeya insha Allaah


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)