DEG DEG:Qofka ku guuleystay doorashada madaxweynaha Kenya oo lashaaciyay…

Gudiga doorashada Kenya ayaa goordhow ku dhawaaqay natiijadda rasmiga ah ee doorashadii dalka Kenya ka dhacday sedex maalin kahor.

Gudoomiyaha gudiga Wafula ayaa marka hore si faah faahsan uga hadlay marxaladihii ay soo mareen iyo tirintii codadka, isagoo dhanka kale umahadceliyay beesha Caalamka sida ay ugarab taagnaayeen iney dhacdo doorasho rasmi ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in doorashadan ay udhacday si cadaalad ah ayna ku faraxsan yihiin iney si nabad ah ugu dhamaatay.

Waxaa uu sheegay in qayaastii 15 Milyan oo cod ay sax noqdeen doorashadii halka ilaa 4 Milyan oo codna ay halaabeen, waxaana dadka diiwaan gashanaa iney codkooda dhiibtaan ay ahaayeen 19 Milyan iyo bar.

“Kahor inta aanan ku dhawaaqin natiijadda rasmiga ah ee doorashada madaxweynaha, waxaan dooneynaa in wax walba ay daganaadaan”ayuu yiri gudoomiyaha gudiga.

Waxaa uu sheegay in musharaxii madaxweynaha ee hela wax ka badan 51 boqolkiiba codadka uu noqon doono madaxweynaha Kenya.

Kahor inta aan lagu dhawaaqin natiijadda ayaa wakiiladda kala duwan waxaa loo ogolaaday iney saxiixaan natiijooyinkii, waxaana kadib ku dhawaaqay gudoomiyaha  gudiga doorashada Wafula Chebukati.

Uhuru Kenyatta ayaa helay: 8,203,290  COD, halka Lix Milyan iyo bar uu helay musharaxii la tartamayay ee Raila Odinga.

Xisbiga laga adkaaday ayaa qaadacay doorashada iyo natiijadda kasoo baxday sida ay xili hore xaqiijiyeen

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay dadka iney feejignaadaan isagoo yiri “waxaan ubaahanahay inaan ka hortagno qalalaaso walba”


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)