DEG DEG: Sh Roobow oo loo geeyay Madaxda DFS, MD Farmaajo oo Balanqaad usameeyay & Digniin ku socoto ciidamo Cadaan ah…

Warar deg deg ah oo goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxda dowladda Soomaaliya ay wadahadal aan caadi aheyn la leeyihiin Wadaadka Sh Muqtara Roobow Abuu Mansuur oo galabta Muqdisho laga dajiyay.

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ayaa Roobow iyo ciidamadiisa kasoo ka xeeyay degmada Xudur ee gobolka Bakool halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay kula dagaalamayeen AlShabaab.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in wadahadalo xasaasi ah ay socdaan, iyadoo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre ay casuumeen wadaadka.

Saraakiil la rumeysan karo ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu balan qaad cad usameeyay Sh Roobow taas oo ah inuusan wax xarig ah la kulmi doonin.

HOOS KA DHAGAYSO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Sidoo kale, waxaa uu madaxweynuhu diiday in ciidamo cadaan ah loo gacan geliyo Roobow, isla markaana ay kaliya kiiskiisa wax ka qabanayaan ciidamada NISA.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif XASAN ayaa isna la filayaa inuu qeyb ka noqdo wadahadaladda, waxaana  xog la helay ay sheegeysaa in wadaadka ciidamadiisa meel gaar ah la dajiyay.

Goordhow ayaa la filayaa inuu kasoo muuqdo warbaahinta dowladda si uu u cadeeyo inuu isaga baxay Shabaab isla markaana uu dowladda kala shaqeyn doono sidii Shabaab loola dagaalami lahaa.

Habeenadii lasoo dhaafay ayay socdeen kulamo xasaasi ah oo ay madaxda dowladda ugu diyaar garoobeysay soo dhaweynta Roobow iyo waxa laga yeelayo, taas ayaana keentay in loo diro Wasiirka Gaashaandhiga oo Koofur Galbeed kasoo jeeda, Taliye ku xigeenka NISA, Wasiiro katirsan Koofur Galbeed iyo xubno kale.

La soco WARARKII SOO Kordha Insha Allah


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay