DEG DEG: Abu Mansuur oo Xudur La Geeyey & Wasiir Katirsan DFS oo Kulan La Qaadanaya

Warar dheeraad ah ayaa la helayaa oo ku aadan is dhiibitaanka Sheekh Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur oo saaka la xaqiijiyey inuu Maamulka Koonfur Galbeed isku loogay.

War goordhaweyd Aan helnay waxay sheegayaan in Magaalada Xudur la geeyey Abu Mansuur islamakraana hadda kulan uu usocdo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed.

Faah faahin badan lagama hayo Kulankaasi oo Albaabada uxiran yahay islamarkaana la sheegay in Amniga Halka kulanka ka socdo Aad loo adkeeyey.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Wasiir C/rashiid iyo Abu Mansuur ay ka arinsanayaan sidii Dawlada Federaalka looga siin lahaa Shaqo si fikradii shabaabka uu iskaga baxay dadka uga wacyi geliyo.

Naga filo faah faahin wixii cusub insha allaah


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay