DAAWO: Wasiir Yusuf Garaad oo Fashiliyay Sababtii DFS ay dhexdhexaad uga noqdeen Arrinta Carabta & Dhaqaalihii…

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa wareysi uu bixiyay uga hadlay arimo badan oo ay kamid yihiin wax qabadkiisii.

Yuusuf Garaad ayaa si weyn uga hadlay dadaaladda ay dowladda Soomaaliya kula soo wareegeyso  maxaabiista ugu badan ee caalamka ku xiran.

Wasiirka ayaa dhanka kale ka hadlay arimaha khilaafka Carabta, Sababtii ay dhex dhexaad uga noqdeen, Waxa iska badalay taageeradii Xulifadda Sacuudiga siin jireen Soomaaliya iyo faa’idada laga helo Qatar.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Sidoo kale, waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka taageeradda dowladda Turkey ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed isagoo yiri “Turkey waa dalka Kaliya ee sharuud la’aan dadka Soomaaliyeed iyo dowladaba caawiya”.

Waxaa kale oo wax laga weydiiyay xariirka kala dhaxeeya RW Kheyre, madaxweynaha iyo golaha kale ee wasiiradda, sidoo kale, waxaa uu ka hadlay mooshin ay ka keeneen xildhibaano katirsan dowladda.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)