DAAWO: Somaliland oo Hanjabaad Cusub udirtay P/Land & Aragtidooda Guuldaradii Raila Odinga ee Kenya

Madaxtooyadda Somaliland ayaa war adag kasoo saartay hadalkii Puntland ee ahaa ineysan doorasho ka dhici Karin deegaanadda Sool iyo Sanaag.

Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliland Xuseen Aadan Cige ayaa sheegay in Puntland ay ku jirto riyo maalin cad ah waxaana uu tilmaamay in doorashadda sida ay ugu talageen ay uga dhici doonto deegaanada Sool iyo Sanaag.

“Faragelin qaawan ayuu maamulka Federaalka Soomaaliya katirsan nagu hayaa Sool iyo Sanaagna Waa Somaliland”ayuu yiri Wasiirka.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili maamulka Puntland uu sheegay in wax doorasho Somaliland ah aysan ka dhici doonin deegaanadaas oo ay isku hayaan labadda maamul

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Dhanka kale Somaliland ayaa ka hadashay go’aankooda doorashadii ka dhacday dalka Kenya, isagoo baaq udiray shacabka dalkaas.

“Madaxweynaha waxaa uu hambalyo udiray madaxweynaha la doortay Uhuru Keyatta”ayuu yiri afhayeenka Somaliland


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)