DAAWO: Ra’isul Wasaare Kheyre oo Khudbad Xasaasi ah uga digay Qabiilka iyo fariin ku socota dhalinyaradda

Ra’isul Wasaaraha dowladda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay ka qeyb galay munaasabadda maalinta dhalinyaradda aduunka ayaa jeediyay hadalo xasaasi ah.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa arrimaha uu ka hadlay waxaa kamid ah doorka ay dhalinyaradu uga jiraan dib udhiska Soomaaliya iyo dowladnimadda.

“Waxaad tihiin dadka ugu badan ee bulshadda, adinka ayaana la idinka doonayaa inaad dalkan dhistaan oo aad hogaamisaan”ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha ayaa ka hadlay doorka dhalinyaradda ee wadaniyadda isagoo ku baaqay iney joojiyaan qabiilka ayna noqdaan kuwa qaran.

Waxaa uu ugu baaqay Maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha kale ee dowladda iney shaqo siiyaan dhalinyaradda wax baratay kuwa kalana laga caawiyo iney wax bartaan ama ay shaqeystaan.

Mudane Kheyre ayaa soo hadal qaaday arrimo badan oo ay kamid yihiin shaqadda xukumadiisa, amaanka, isla xisaabtanka iyo ka hortaga masuq maasuqa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)