DAAWO: C/Qeybdiid oo Arrimo Xasaasi ah ka hadlay, sheegayna in Dastuurka Soomaaliya…

Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa faah faahin ka bixiyay waxa ay isugu jiraan Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista Dastuurka.

Cabdi Xasan Cawaale oo ka soo muuqday Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa tilmaamay in labadan guddi ay yihiin laba guddi oo aan kala maarmi karin, isla-markaana ay tahay inay wada shaqeeyan.

“Labadan guddi waa laba guddi oo mataano ah, midkoodna keligii ma shaqayn karo, labadoodu waa iskaabayan. Guddiga Madaxa Bannaan haddii uusan haysan Guddiga La socodka iyo Hirgelinta Arrimaha Federaalka ee Baarlamaanka Somaliyeed keligiis ma dhaqaaqi karo. Guddiga Federaalka ee Baarlamaanka ka socdana ma socon karo, haddii uusan haysan hay’addii uu u gudbin lahaa hawsha la doonayo in la soo qabto, la soo saxo, laga soo shaqeeyo, lana soo nidaamiyo.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Qaybdiid.

HOOS KA DAAWO HADALKA C/QEYBDIID

Cabdi Qaybdiid oo ah Xildhibaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, ayaa waxaa Isniintii loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho oo uu kaga adkaaday C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), oo xubin ka ah Aqalka Sare.

Cabdi Qaybdiid, ayaa rajeynaya in ay qaban doonaan shaqada laga doonayo, si ay dalka iyo dadkaba ugu sameeyan dastuurka ay doonayan.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)