Ciidan Badan Itoobiyaan ah oo Weerar ku Ah Deegaanka uu joogo Abu Mansuur & Xog Cusub

Ciidan badan oo itoobiyaan ah ayaa lasoo sheegayaa inay ku wajahan yihiin Deegaanka Abal oo dhaca dhinaca Gobolka Bakool.

Degaankaasi waxaa kusugan Abal oo Shabaabku ay ku weerareen dhawaan Maleeshiyaad daacad u ah Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abu Mansuur.

Wararka la helayo waxay ku waramyaan in Ciidanka Itoobiyaanka ah ay Gurmad uyihiin Abu Mansuur oo ay ka difaacayaan Shabaabka.

Ilaa Maxkamadihii Islaamka waxa uu Dagaal ka dhex jiray Wadaadkaan Hadda Ay Itoobiyaanka difaacayaan iyo Ciidankii Dawlada Itoobiya Berigaasi usoo dirtay Soomaaliya.

Adduunka waa Tilka Ayaam Sheekhii La dagaalami jiray bey hadda Garab u yihiin waxaana taasi ka cad in isbadel uu qofka sameyn karo go’aan iyo mabda’ ahaan wixii uu aaminsan yahay.

Seddex Sano ka hor ayuu Shabaab iskaga soo cararay Abu Mansuur kadib markii uu dantiisa ka waayey Diin ahaan inaysan ku dhaqmeyna sheegay uu naftiisa lasoo baxsaday.

Ma jirin wareysi uu bixiyey tan iyo Abaal markii uu tagey Abu Mansuur isagoo diiday in uu isku dhiibo Dawlada Soomaaliya iyo Maamulka K/Galbeed.

Arbacadii Todobaadkii hore ayaa Dagaalyahano katirsan Ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Wadaadkaasi iyo Ciidanka Daacada u ah Ee kusugnaa Deegaanka Abal waxaana dagaalkaasi uu geystay Khasaaro Kala duwan iyadoo Gaadiid la iska gubay Labada dhinac.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)