Baarlamaanka HirShabelle oo Dabin udhigaya M/weyne Cosoble & Xog Cusub oo La Ogaaday

Xildhibaanada Maamulka HirShabelle ayaa waxay sheegeen inay wadaan qorshe ay kula xisaabtamayaan Madaxweynaha Maamulkaasi Cali Cabdullaahi Cosoble.

Waxa Kulan Xildhibaanada ay ku yeesheen Magaalada Jowhar ayaa waxay ku goodiyeen in Khaladaad uu galay madaxweyne Cosoble ay ku mashquulsan yihiin sidii xal looga gaari lahaa.

Xildhibaanadaan oo la baxay Kudlad la yiraadho BADBAADO HIRSHABELLE waxay sheegeen inay ku heystaan Madaxweynaha Fashil Siyaasadeed uu sameeyey Labada Gobol Ee Loo Igmaday Shaqadeedana uu kasoo bixi waayey.

Qaarkood Xildhibaanadaan oo Wariyeyaasha kula hadlay Jowhar waxay sheegeen in Badbaado HirShabelle ay ka macno tahay in Madaxweyne Cosoble kula xisaabtamayaan.

Waxay si gaar ah Madaxweynaha HirShabelle ku Eedeeyeen Magacaabistii Dhawaan uu sameyeye Degmooyin Cusub uu umagacaabay Gobolka Hiiraan kuwo kale oo mudnaana uusan magacaabin.

Dabinka loo dhigayo ayaa haddda ah sidii meesha looga saari lahaa Xilkana Kalsoonida lagala Noqon lahaa Xilheynta Hogaamiyaha HirShabelle.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay