Yuusuf Daba geed oo Shirbay//Khudbadihii Murashaxiinta HirShabelle & Shakhsigii Ugu Hadal Fiicnaa

Maalintii 2aad Magaalada Jowhar Ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxaa la dhageystay Khudbadaha Murashaxiinta Madaxweynaha HirShabelle isku soo taagay.

Murashaxiin gaarayey 5 Mudane oo utaagan Qabashada Madaxweynaha HirShabelle ayaa maanta soo jeediyey Waxqabadkooda hadii la doorto waxay ku hogaamin doonaan HirShabelle.

Dr Daahir Cabdulle Cawaale oo ah Shakhsiga ugu cad cad inuu Xilkaasi Qabto ayaa khudbada uu jeediyey waxa nuxurkeeda ka mid ahaa in uu ku dedaalayo sidii uu sameyn lahaa Mashaariic kala duwan oo lagu hormarinayo HriShabelle.

Daahir Cawaale ayaa sheegay in uu ka safri doonin Xafiiska Madaxweynaha HirShabelle hadii la doorto marka laga reebo Safar Shaqo oo Banaanka ah.

Waxa uu sheegay in Waxbarashada iyo Amniga uu Ahmiyad gaar ah siin doono hadii uu ku guuleysto Xilka Madaxweynaha HirShabelle.

C/raxmaan Xuseen Cadoow oo isna ka mid ahaa dadkii Khudbadaha jeediyey waxa uu sheegay in uu yahay qof Xilkaan kasoo bixi kara hadii la doorto.

Waxa uu Murashax Cadoow uu sheegay in hadii uu ku guuleysto Xilka Madaxweynaha HirShabelle uu sameyn doono Mashaariic ay ku jiraan jidad,Shaqo Abuur,Waxbarashada goobo loogu talo galay,Cusbitaalo,isku furida Waddooyinka Wuqooyiga,Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

C/raxmaan Cadoow waxa uu sheegay in War Magaalo Warqad kuyaallo,ayna wax cad soo bandhigi doonaan hadii xilkaasi loo igmado qabashadiisa.

Yuusuf Axmed Xagar (Daba-geed) oo isna khudbad ka jeediyey Hoolka Farjano Ee Magaalada Jowhar kuna bilaabay hadalkiisa Shirib gaaban ayaa waxa uu sheegay in Reer HirShabelle ugu duceenayo Madaxweyne Alle Samata bixiyo uu udooro.

Waxa uu Yuusuf Daba geed ku cel celiyey Khudbadiisa in Dib uheshiisiinta iyo Amniga ay Ahmiyad gaar ah siin doono hadii Xilkaasi loo doorto.

Yuusuf Xagar waxa uu hoosta ka xariiqay in hadii Madaxweyne Baarlamaanka HirShabelle in Diyaarad uusan ku aadi doonin B/weyne uu safar dhulka ugu ambabixi doono sida uu warka udhigay,isagoo warkiisa raaciyey in Dib uheshiisiinta uu ku dedaali doono.

Maxamed Caruush Diiroow oo ka mid ah Murashaxiintii maanta Khudbadaha ka jeediyey Jowhar waxa uu sheegay in hadii la doorto uu dhisayo Goobo Dalxiis iyadoo laga faa’iideysanayo udhawaanshiyaha Caasimada Magaalada Muqdisho.

Caruush waxa uu tibaaxay in hadii la doorto uu albaabada xilli kasta ufuri doono dadka Talada Ukeenaya Maamuka HirShabelle,Waxbarashada iyo Kaabayaasha Dhaqaalahana uu dhisi doono.

Cadaalada iyo Ciidanka ayuu sheegay in Xuquuqdooda Mushaaraadka ay heli doonaan islamarkaana qorshe howleedkiisa ay ka mid tahay inuu isku xiro Maamulka HirShabelle iyo Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dadka Dulman il gaar ahaaneed uu ku heyn doono kala xulasho Heyb Qabiilna Shaqada aan ku qaadan doonin Maxaad taqaana la isku qiimeyn doono sida uu warka udhigay.

C/naasir Xaaji Shirwac oo shalay ka baaqday Murashaxiintii Hadal jeedinta ku qornaa ayaa maanta soo geba gabeeyey Khudbadaha la jeedinayey.

Xildhibaan hore oo katirsanaa Baarlamaankii lagu soo dhisay Magaalada Carta Ee Jabuuti C/naasir Xaaji Shirwac ayaa sheegay in hadii la doorto uu Hormarin doono HirShabelle.

Waxa uu sheegay Murashax Shirwac in hadii La doorto uu cadaalada ku dedaali doono Aqoonta uu leeyahana dadka ugu adeegi doono.

Shabkada Baahin waxay tahay mid Caalamka wixii ka cusub kuu soo gudbineysa


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)