Yaa Hoggaaminayo Xisbiga Weyn ee ay soo wadaan Madaxda DF & Magaca Xisbi oo..?

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa soo wada Xisbi weyn oo qeyb ka noqda asxaabta siyaasadeed ee u ordaya doorashada 2021-ka lagu wado iney ka dhacdo dalka inkastoo nuuca doorasho aan wali la shaacin.

Xisbigan oo wali magaciisa la shaacin ayaa waxaa ku mideysan madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo doonaya in mar kale soo laabtaan.

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah “Ra’iisal wasaare Kheyre maku qanacsan yahay warka ka soo yeeray ku-xigeenkiisa mana ogol yahay iney isku xisbi noqdaan madaxweyne Farmaajo,damacse makaga jiraa doorashada 2021 inuu isku soo taago isagoo shaqsi ah?

Warar aan ka helnay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in wali la isku raacin magac Xisbi oo lagu mideysan,balse uu jiro guux ah in Madaxtooyada Soomaaliya wado qorshe Xisbi lagu mideysan yahay loo sameynayo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo horay damac ugu jiro inuu u tartamo madaxtinimada 2021 ayaa hadda ka tanaasulay damacaas,isagoo la sheegay inuu bar bar istaagi doono madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, maalmihii u dambeeyay waxaa jiray guux ah in Ra’iisal wasaaraha uu sameysanayo Xisbi gooni ah,maadama uu ka guuray halku dhigii Nabad & Nolol oo Dowladda Farmaajo ay caanka ku ahayd uuna u guuray Hal ku dhig ah ” HORUMAR IYO HIIGSI”,kaasi oo fasiraad dheeri ah dadka ay ka bixiyeen.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Isaga oo ku hadlayay Magaca Xukuumadda Soomaliya wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, taas oo dalka ka dhacdo sanadka 2021.

“Waa in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka fikiraan maxaa soo socda sidee doorweyn ay uga qaadan karaan doorashooyinka soo socda oo aad u soo saari kartaan qof dhalinyaro ah, dowladda Somalia waxaa ay diyaar u tahay qabashada dooorashada ayuu yiri”RW Kuxigeenka dalka.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) in wadanka ay xilligaan ka jiraan Xisbiyo badan sidaasi daraadeedna uu soo socdo Xisbiga weyn oo ay ku midoobayaan Madaxda ugu sareysa dowladda fedetaalka.