Yaa gacanta ku haya Lacagti laga qaaday Musharaxiinta Madaxweynaha ?

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Guddiga Qaran ee Abaaraha sidoo kalena ah xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahim ayaa ka warbixiyay halka ay u mareyso ururinta deeqaha dadka ay abaaraha saameeyeen.

Waxaa uu xusay in inta badan lacagahii la ballan qaaday ay Guddiga gaareen sida lacago ka yimid Xafiisyada Ra’isalwsaaraha,Madaxweynaha,Guddoomiyaha Baarlamaanka,lacagtii laga jarayay isdiiwaangeilnta Musharrixiinta madaxtinimada oo $360,000 oo doolar ahiyo lacago ay ka heleen Imaaraadka.

Sidoo kale waxaa uu xusay in ay ku daba jiraan lacagaha ay yabooheen Ganacsatada Soomaaliyeed iyo lacag ka badan Shan Milyan oo dollar oo ay shaqaalaha Dowladda laga jarayo.

Yaxye Cali Ibraahim,waxaa uu intaas ku daray in Waddamo ay ka mid yihii Suudaan,Cumaan,Sucuudiga iyo kuwo kale ay raashin keeneen qaar halka kuwo kalena ay ku soo jiraan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)