Yaa fuliyay Weerarkii deegaanka Kulbiyow+Maxaa ka Jira in Soomali ay Fulisay Weerarkaas

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay ay Al-shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidankooda ku lahaayeen degmada Kulbiyow ee Jubada Hoose ay ka qeybqaateen dagaalyahanno u dhashay dalalka Tanzania iyo Kenya.

Afhayeen u hadlay Kenya ayaa sheegay in qaraxii ugu horreeyey ee weerarkaasi lagu bilaabay uu fuliyey qof u dhashay dalkooda, walibana si aad ah ugu hadlayey Sawaaxiliga looga hadlo dalkaasi.

Waxa uu sheegay Afhayeenkan in sidoo kale dagaalyahannada Soomaalida ee Al-shabaab ka tirsan ay iyaguna dagaalka si toos ah uga qeybqaateen iyaga iyo kuwo u dhashay Tanzania.

“Qofkii fuliyey qaraxii Kowaad waxa uu ahaa Kenyan, waxaana weerarka dagaalka tooska ahaa ka qeybqaatey dagaalyahanno Soomaali iyo kuwa Tanzania u dhashay” ayuu yiri Afhayeenka.

Saraakiil u hadashay ciidanka Kenya waxay sheegeen in dagaalkii Al-shabaab ku qaadeen saldhigga ciidanka Kenya ku lahaayeen Kulbiyo ay ka qeybqaateen dagaalyahanno tiradoodu gaareyso 500.

Al-shabaab waxay sheegeen in weerarkaasi ku dileen askar badan oo Kenya ah, halka dowladda Kenya iyana ay sheegtay iney dishay dagaalyahanno ku dhow 100.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)