Xubno ONLF Ah Oo Taariikh Lama Ilaawaan Ah Ka dhigay Soo dhaweyntii Jig jiga M/weyne Cagjar [Sawirro]

Si aan caadi aheyn ayaa Maanta Casir liiqii Magaalada jig jiga loogu soo dhaweeyey Wafdi uu horkacayey Madaxweynaha Cusub Ee Deegaanka Soomaalida Mustafa Maxamed Cumar.

Axmed Shide oo ah Gudoomiyaha Xisbiga dimoqraadiga Shacabka Soomaalida ayaa qeyb ka ahaa iyo Xubno fara badan.

Sawiro laga soo qaaday Wafdiga markii ay Diyaarada kasoo dageen garoonka Garaad wiil waal ayaa waxa muuqanayey si diiran loo soo dhaweeyey.

Boqolaal Qof oo Qurba joog iyo Qorax joog iskugu jirtay ayaa soo dhaweynta ka qeyb galay,sidoo kalena Xubno Jabhada ONLF ah ayaa soo dhaweeyey wafdiga.

Madaxweyne Mustafa Cagjar ayaa la dejiyey Xarunta Madaxtooyada oo Ciidamada Federaalka Itoobiya Amnigeeda sugayaan.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here