Xubno AlShabaab u basaasa ganacsatada Muqdisho oo la qabtay [Magacyada afgarashada]

Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in ay gacanta ku dhigeen dhowr xubnood, kuwaasi oo ay sheegeen in ay AlShabaab u basaasaan ganacsatadda ku sugan magaaladda Muqdisho.

Saraakiisha amniga oo shaaciyey in ay ku daba jiraan shabakad kale oo balaaran oo shaqsiyaadkan la shaqeynayey ayaa shaaciyey in ay xabsi dhigeen, isla maarkaana loo dirayo baaritaano.

Illo wareedyo ayaa sheegay in dadkan oo tiradooda ay gaareyso saddex ay midkood tahay haweenay, kuwaasi oo magacyadooda afgarashadu yahay; Ruqiya, Cumar Messi iyo Cutiyah.

“Howlgaladda lagu soo qabtay raggan ayaa waxaa laga sameeyay degmooyinka Yaqshid iyo Hodan oo ay ku kala sugnaayeen, kuwa kale waan ku raadjoogaan,” ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalka.

Warbixinadda ayaa soo jeedinaya in xubnahan ay AlShabaab u qaabilsanaayeen dekadda Muqdisho, halkaasi oo rag saaxiibo la ah ay ka shaqeeyaan, kuwaasi oo hay’addaha ammaanku ugaarsanayan.

AlShabaab ayaa magaaladda Muqdisho waxaa sanadii kasoo gala lacago aad u badan, sidda lagu sheegay baaritaan ay VOA-du sameysay, waxaana ay lacagtaasi kaga timaadaa canshuurta ay qaado.

Xigasho Warqaad