XOG:Yaa kasoo qeyb galaayo caleema saarka Axmed Madoobe iyo rag caan ah iyo dowlad shisheeye usoo direyso…

Warar lagu kalsonaan karo aan ka helnay ilo u dhow dhow madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa shegaayo in caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Madoobe kasoo qeyb geli donaan masuuliyiin kala duwan.

Masuuliyiin kala duwan ayaa lagu wadaa in caleema saarka Axmed Madoobe kasoo qeyb galaan waxaana kamid ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo shaqsiyaad kale xilal soo qabtay.

Dowlada Kenya ayaa lagu wadaa in wafdi sare usoo dirto caleema saarka Axmed Madoobe madaama xiriir aad u dheer kala dhaxeeyo .

Axmed Madoobe ayaa maanta loo doortay markii sadaxaad madaxweynaha cusub maamulka Jubbaland inkastoo dowlada Soomaaliya marna ogoleyn.