XOG:Xaaska MD Farmaajo iyo Fahad Yasiin oo wato qorshe halis weyn ku ah Habargidir iyo….

Warar hoose oo aan haatan ka heleyno ilo u dhow dhow Fahad Yasiin iyo Seynab Cabdi Macalin ayaa shegaayo in haatan isku kaashanayaan musharax la doonayana madaxweynaha cusub maamulka Galmudug.

Seynab Cabdi Macalin oo ah marwada kowaad ee madaxweyne Faramajo ayaa lashegayaa in haatan kusoo biirtay olalaha lagu doonaayo in madaxweyne cusub loogu soo dhiso maamulka Galmudug oo mudooyinkaan ahaa madaxweyne la’aan.

Seynab Cabdi Macalin ayaa lashegayaa in tageereyso musharax udhashay beesha Murusade oo qaraabo dhow la ah kaasoo lagu magacaabo Maxamed Macalin oo ka yimid dhawaan dalka mareekanka.

Seynab Cabdi Macalin ayaa lasheegay in lakaashaneyso Fahad Yasiin oo ah shaqsi saameyn xoogan kuleh mararka qaarna loogu yeero milkiilaha dowlada soomaaliya.

Isku soo wada duub loolanka haatan kusoo biirtay Seynab Cabdi Macalin ayaa imanaayo xili Farmaajo iyo Kheyre labadooda kala wataan labo musharax midkoodna doonayaan in madaxweyne noqdo wallow halka oo xigo Fahad Yasiin ayagana la yareysan karin.