XOG:Shariif Xasan oo kulamo siyaasadeed ka wado Nairobi kuna soo wajahan magaalada Muqdisho

Warar hoose oo lagu kalsonaan karo aan ka helnay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa shegaayo in halkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan ka wado abaabul siyaasadeed oo ka dhan ah dowlada madaxweyne Farmajo.

Shariif Xasan ayaa kulamo aan kala joogsi lahayn magaalada Nairobi kula qaatay siyaasihiin iyo xildhibaano saameyn xoogan kuleh siyaasada Soomaaliya.

Kulamadaas ayaa lasheegayaa in looga soo horjeydo dowlada oo hogaamiyo madaxweyne Farmaajo kasoo lagu qorsheynaayo in mooshin xilka qaadis ah laga keyno Kheyre ame madaxweynaha.

Shariif ayaa xiligaan u muuqdo mid dib usoo celinaayo saameynta oo kulahaa siyaasada dhexe wallow wararka qaar sheegayaa in oo qorsheynaayo in dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Shariif Xasan ayaa xal siyaasadeed looga diray koofur galbeed asagoo iska casilay xilka madaxweyninimo oo ka haayay wallow is afgaradkaas saameyn kuyeeshay musharixnimadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here